Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku bogaadiyey Golaha Xukuumadda daah-furnaanta ay muujiyeen

0

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran, kaas oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, laguna qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballanqaadyada ay Xukuumaddu hirgelisay muddadii ay jirtay.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey Golaha Wasiirrada oo uu ku amaanay daah-furnaanta iyo sida ay mudnaan u siiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula wadaagaan waxqabadkooda, caqabadaha ay la kulmeen iyo qorshayaasha mustaqbalka, muddo toddobaad ah oo barnaamijku socday.

“Barnaamijkan isla-xisaabtanka waxa uu xoojinayaa hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Dowladdooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in guulaha ay Xukuumadda Dan-Qaran gaartay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimo waarta, hase yeeshee uu muhiim yahay in dadaalka la labalaabo si loo gaaro hiigsiga qaran ee fog.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah-furay Xafiiska Dardargelinta iyo Hirgelinta (CDU), oo hoostaga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiskan ayaa mas’uul ka noqon doona fulinta iyo dabagalka ballanqaadyada dowladda, dardargelinta mashaariicda horumarineed, iyo isku xirka hay’adaha iyo wasaaradaha, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha qaranka si hufan u hirgalaan.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la dhiso maamul hufan, isla xisaabtan leh, una adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here