HirShabeella Oo Marti-gelinaysa Shir Ku Saabsan Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya

0

Jowhar – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shir wadatashi qaran ah oo lagu gorfeeynayo arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

 

Shirkan oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socdo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo shirka ka hadlay, ayaa xusay in shirkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada waxbarasho ee dalka.

Wuxuu tilmaamay in la filayo in laga soo saaro go’aanno muhiim ah oo saameyn togan ku leh horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo si rasmi ah u furay shirka, ayaa sheegay in Hirshabeelle ay ku faaneyso inay noqotay dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee shaaciyo natiijada imtixaanka dugsiga sare ee dalka, taasoo muujineysa dadaalka iyo horumarka laga gaaray dhanka waxbarashada.

“Waxaan rajeynayaa in shirkaani uu horseedo go’aanno guul u ah waxbarashada Soomaaliya, isla markaana ay ka dhashaan is-afgarad iyo iskaashi dheeri ah oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u rajeeyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed guul iyo horumar, isaga oo ku booriyay dhammaan ka qeybgalayaasha inay ka faa’iideystaan shirkan muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here