MUQDISHO – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (The AI Summit Somalia 2026), oo ah madal heer qaran ah oo lagu gorfeynayo doorka Garaad Gacmeedku (Artificial Intelligence – AI) ku yeelan karo horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta hal-abuurka, dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.
Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Bulshada Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeysay Jaamacadda Zamzam iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU), kuwaas oo si wadajir ah qeyb uga ahaa qabanqaabada shirkan.
Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo khudbaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si istaraatiiji ah uga faa’iidaysato fursadaha uu bixinayo Garaad Gacmeedka si loo horumariyo waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo koboca dhaqaalaha aqoonta ku dhisan.
Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in la abuuro madal mideysa dowladda, bahda tacliinta sare, cilmi-baarayaasha, ardeyda, hal-abuurayaasha, shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiirrigeliyo wada-shaqeyn wax ku ool ah iyo xalal ku dhisan Garaad Gacmeed oo ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliya.




