MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan bahda caafimaadka ayaa ka qayb galay munaasabadda lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhiig-bixinta, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, ayaa sheegtay in maalintani ay tahay maalin weyn oo caalamka oo dhan laga xuso, isla markaana ay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan muhiimadda ay leedahay dhiig-bixintu iyo doorka ay ka qaadato badbaadinta nolosha dadka.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu hirgeliyay Bangiga Dhiigga Qaranka, isaga oo xusay in bangigu muddo laba sano ah si hufan ugu adeegayay bulshada, isla markaana uu daboolay baahi weyn oo dhinaca dhiigga ah oo dalka ka jirtay.
Wasiirka ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xoojiyaan dhaqanka mutadawacnimada dhiig-bixinta, si loo badbaadiyo nolosha dadka u baahan dhiigga loogana qayb qaato horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.




