SoDMA oo ka daah furtay mashruuc cunto qeybin ah degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi

0

Balcad – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa shalay safar dhulka ah ku gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu si rasmi ah uga daah furay mashruuc cunto qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah.

 

Mashruucan oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys, una dhigma 34,230 ruux, ayaa laga fulinayaa degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee dowlad-goboleedka Hirshabelle, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada lagu yareynayo saameynta ay bulshada ku reebeen abaaraha iyo xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan dalka.

Guddoomiyaha SoDMA waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle, ahna ku-simaha wasiirka, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan heer goboleed.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay degmada Balcad Guddoomiyaha degmada, Qaasim Furdug, oo ku booriyay shacabka inay si hufan uga faa’iideystaan mashaariicda la gaarsiiyo, si looga gudbo duruufaha adag ee haysata dadka deegaanka.

Ugaas Maxamed Wali Xuseen Salaad Islow, Ugaaska Guud ee degmada Balcad, oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay imaatinka wafdiga SoDMA, isagoo ku ammaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka uu ugu jiro caawinta bulshada ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Wasiir-dowlaha Gargaarka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Yalaxow, ayaa isna sheegay in mashruucan uu muujinayo sida ay muhiim u tahay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha heer qaran iyo heer gobol, si wax looga qabto baahiyaha dadka nugul.

Wuxuu bogaadiyay kaalinta SoDMA ay ku leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo sidii bulshada loogu heli lahaa gargaar waara.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa sheegay in safarkiisu uu yahay mid lagu dardargelinayo mashaariicda taageerada ah ee la gaarsiinayo dadka danyarta ah, isagoo ku dhiirrigeliyay bulshada deegaanka inay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah ee mashruucan uu bixiyo.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in dadaalka SoDMA iyo bahwadaagta samafalka ay caddeynayaan in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo heli lahaa fursado nololeed oo waara iyo gargaar degdeg ah xilliyada adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here