Laascaanood: Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo Goor Dhow Bilaabana

0

Laascaanood, Soomaaliya, Agoosto 30 – Magaalada Laascaanood ayaa goor dhow martigelin doonta doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

 

Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo go’aan lagu qaatay in la soo rogo Bandow guud oo saameyn ku yeelanaya dhaq-dhaqaaqyada magaalada.

Ololaha doorashada ayaa galay saacadihii ugu dambeeyay, iyadoo musharaxiinta ay si xawli ah ugu tartamayaan kasbashada taageerada xubnaha baarlamaanka.

Xog la xaqiijiyay ayaa muujineysa in musharaxiintu ay lacago xooggan u bixiyeen xildhibaannada si ay codadkooda u helaan, iyagoo raadinaya taageero ballaaran.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa ah musharaxa ugu cadcad ee madaxweynaha, isagoo leh taageero xooggan oo ka socota dhinacyada kala duwan ee siyaasadda.

Dhanka kale, qaar ka mid ah musharrixiinta mucaaradka ayaa ku heshiiyeen inay taageeraan midkood, haddii uu gaaro wareegga ugu dambeeya, si ay codadkooda u mideeyaan.

Doorashadan ayaa ah mid aad loo sugayo, waxayna go’aamin doontaa jihada siyaasadeed ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo xiriirka uu la yeelan doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magacyada Musharaxiinta Madaxweynaha:

  1. Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye
  2. Rashiid Faarax Maxamuud
  3. Cabdirisaaq Khaliif Axmed
  4. Jamaal Maxamed Xasan
  5. Maxamuud Yuusuf Xasan

Magacyada Musharaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka:

  1. Cumar Daahir Xasan
  2. Abdirashiid Yuusuf Jibriil
  3. Cabdirisaaq Maxamed Jaamac
  4. Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar
  5. Maxamed Cabdi Bulaale

Doorashadan ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta siyaasadda gobolka iyo sida uu maamulka cusub uga falcelin doono arrimaha muhiimka ah ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here