Howlgal Wadajir ah oo Laga fuliyay goobo Al-Shabaab ku sugan, oo katirsan Sh/Hoose

0

Janaale, Soomaaliya – Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 14-ka October, gaar ahaan Ururada 144-aad iyo 145-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen, iyagoo kaashanaya saaxiibadooda AUSSOM, waxay ku beegsadeen Al-Shabaab tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Kaaliyaha Guutada 14-ka October, G/le Mustaf Cumar Caalin “Eji-cadde,” oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa xaqiijiyay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee AUSSOM ay cagta mariyeen Al-Shabaab oo saldhigyo ka dhigan jiray tuulooyinka Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Buulo-arundi, Beeraha Baay, Malable, iyo Siigaale, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla hareeraha deegaanka Janaale.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana ujeedadiisu ahayd in lagu baabi’iyo Al-Shabaab oo gabbaadka ka dhigatay tuulooyinkan muhiimka ah,” ayuu yiri G/le Eji-cadde. “Libaaxyada Qarankeenna waxay muujiyeen geesinimo, waxaana ku guuleysanay in aan burburinno shabakaddii Al-Shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanaysay.”

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee dhibaatooyinka ku haya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada koonfureed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in dalka laga ciribtiro argagixisada si loo helo nabad waarta iyo horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here