Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagey Dugsiga Tababarka Gen. Gordon, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa waxaa dugsiga ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah, Sareeye Guuto Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dugsiga iyo horumarka tababarrada ka socda.
Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay tayada tababarka, dardargelinta ciidamada iyo kor u qaadista diyaar-garowgooda. Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalkooda, naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay difaaca dalka.
Sidoo kale, wuxuu kulan la qaatay saraakiisha iyo macallimiinta bixiya tababarrada kala duwan, isagoo bogaadiyay kaalinta ay ku leeyihiin tayeynta xirfadaha iyo aqoonta ciidamada. Intii uu kormeerku socday, ciidamada tababarka ku jira ayaa soo bandhigay dhoollatusyo iyo xirfado muujinaya heerka ay gaareen tababarkooda iyo diyaargarowgooda.
Gabagabadii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo macallimiinta shaqada ay ka hayaan dugsiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta, xirfadaha iyo anshaxa ciidannimada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.





