Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Militari ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu hirgelinayo go’aannadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera AUSSOM ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale laga wada hadlay dardargelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagista xogaha sirdoonka, iyo sare u qaadidda isku-duwidda awoodaha, agabka iyo taageerada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka.
Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Militari, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshaha la diyaarinayo uu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka taageeraya hawlgalka.
Wuxuu xusay in iskaashigaasi uu muhiim u yahay dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wiiqidda awoodda kooxda iyo adkeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.




