NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Howlgallo Culus ku Dilay Saraakiil iyo Xubno Al-Shabaab ah

0

MUQDISHO – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya xarumaha ay ku sugan yihiin Xubnaha kooxdaasi.

 

Howlgal culus oo la fuliyay deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo ku yaalla inta u dhexeysa Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud, ayaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen saraakiil muhiim ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalkaasi dhaawacyo culus kasoo gaareen 13 xubnood oo kale, kadib markii la weeraray xarun ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen in ka badan 400 dagaalyahan.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu kusoo dhamaaday guul, islamarkaana ay wadaan daba-gal ay ku baacsanayaan xubno kale oo baxsad ah, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay u carareen dhanka degmada Ceelbuur.

Sidoo kale, hay’addu waxay xustay in howlgal hore oo dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan, ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisii dhoweyd.

NISA ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya sirdoonka iyo garab istaagga saaxiibada caalamka, si loo dardar-geliyo dagaalka looga sifeynayo kooxdaasi dhulka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here