Dowladda Federaalka lagu eedeeyay in ay ka gaabisay taageerada Macawiisleyda Hiiraan

0

Beledweyne, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee haatan ka taagan gobolka Hiiraan, gaar ahaan dagaalka ay muddo dheer kula jiraan kooxda Al-Shabaab ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

 

Wasiir Karoore ayaa sheegay in Macawiisleyda, oo ah dad shacab ah oo hub qaatay si ay isaga difaacaan Al-Shabaab, aysan helin taageeradii ay ka filayeen dowladda federaalka, taasoo uu ku tilmaamay mid si ula kac ah looga indho-tiray.

“Dowladda federaalka waxa ay si cad u dayacday Macawiisleyda. Markii hore ciidamada dowladda ee ku sugnaa Hiiraan awood ahaan waxay ku tiirsanaayeen Macawiisleyda, markii la jabayna waxay ahayd in dowladda la jabtay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka gobolka Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka, iyaga oo aan wax taageero ah ka helin dowlad dhexe, isla markaana aysan ahayn dad dawarsiga yaqaan, balse hadda la joogo xilli ay xaq u leeyihiin in xal siyaasadeed iyo taageero muuqata loo helo.

“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda. Ma aha dad caado u leh inay dawarsadaan. Maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii dagaal culus ay ku jebiyeen Macawiisleyda iyo ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Xiisadda ka taagan Hiiraan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo is-bedelka istaraatiijiyadda dagaalka iyo xoojinta taageerada dowladda ee ciidamada deegaanka, si looga hortago in Al-Shabaab mar kale gacanta ku dhigto gobollada la xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here