Xaalad Amni Daro oo ka taagan Magaalada Beledweyne – Dilal isdaba joog ah oo dhacay

0

Beledweyne, Hiiraan – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wajahaysa xaalad amni darro oo sii xoogeysanaysa, kaddib markii ay halkaasi si joogto ah uga dhacayaan dilal isdaba joog ah oo lagu eedeeyay kooxo burcad ah oo dadka dhacaya.

 

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee ku sugan magaalada, kooxaha burcadda ayaa habeenkii xalay ahaa dil ka geestay gudaha magaalada, taasoo sii kordhisay cabsi iyo walaac ay qabaan shacabka reer Beledweyne.

Gaashaanle Dhexe Carab Yuusuf Nuur, oo ah xeer-ilaaliye ku-xigeenka guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, una jooga magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in la siiyay ciidamada amniga amar buuxa oo cad, kaasoo dhigaya in si toos ah loo beegsado burcadda dadka dhacaysa.

“Waxaan amarnay ciidamada inay tallaabo cad ka qaadaan tuugada dadka dhibaataynaysa, wax kasta oo aan sharci ahaynna waa in si degdeg ah looga hortagaa,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Carab Yuusuf.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo sugo nabadgelyada magaalada, loogana hortago falalka burcadnimo ee sida joogtada ah uga dhaca magaalada.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in weerarro kale ay sii socdaan haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah. Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha magaalada, iyagoo bilaabay howlgallo amni sugid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here