Aljeers – Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Aljeeriya, Mudane Cazuuz Nasri.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee dalka Aljeeriya, waxaana labada mas’uul si qoto dheer uga wadahadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Danjire Yuusuf Jeego iyo Mudane Cazuuz Nasri ayaa isla qaatay in la dhiso guddi iskaashi oo saaxiibtinimo, kaasoo ka kooban xubno ka kala socda labada baarlamaan, si ay uga wada shaqeeyaan tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo dhismaha xiriir siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Labada dowladood ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay dadaallada ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin waxbarashada, amniga, ganacsiga, iyo xiriirka diblomaasiyadeed. Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in xiriirkaas uu marayo meel wanaagsan, ayna rajeynayaan in uu sii kobco.
Danjire Yuusuf Jeego ayaa ku tilmaamay kulanka mid miro-dhal ah, isagoo xusay in Aljeeriya ay weligeed la garab taagneyd Soomaaliya, isla markaana uu jiro jawi wanaagsan oo lagu sii ambaqaadi karo iskaashiga labada shacab.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Aljeeriya ayaa dhankiisa adkeeyay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta shacabka.




