Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay dalka Koongo

0

KINSHASA – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana wakiil uga ah Soomaaliya dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Amb. Ilyaas Cali Xasan, ayaa ku guuleystay dadaal diblomaasiyadeed oo lagu sii daayey in ka badan 50 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo dalka Congo ku yaalla.

 

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Congo, ayadoo magaalada Lubumbashi ay ka mid ahayd meelaha ugu badan ee lagu hayey.

Sii deynta muwaadiniinta ayaa timid kadib codsi rasmi ah oo uu Danjire Ilyaas saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya Tanzania, Amb. Jean Pierre Massala, taas oo si degdeg ah uga dhigtay suurtagal in la siidaayo dadkaas Soomaaliyeed.

Danjire Ilyaas ayaa sheegay in safaaradda ay sii wadi doonto dadaallada lagu difaacayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban xabsiyada dalalka kale, isagoo bogaadiyay iskaashiga dowladda Congo muujisay.

Maxaabiis Kale oo Soomaaliyeed oo Caalamka ku Xiran

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in weli ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran xabsiyo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celisay dalka ku dhowaad 200 maxbuus oo Soomaali ah kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya, kadib dadaal ay hormuud u ahayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashi ay la sameeyeen hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in ay ka go’an tahay difaaca xuquuqda muwaadiniinteeda dibadda ku sugan, iyo in lasii xoojiyo howlaha diblomaasiyadeed ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee la kulma dhibaatooyinka sharci iyo kuwa bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here