Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay Kulanka Isku-duwidda Howlaha Caafimaadka Soomaaliya ee 2025, kaas oo socday muddo labo maalmood ah.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay qorshayaasha caafimaad ee sanadka 2025, iyadoo la isku waafaqay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qorsheeyo loona mideeyo dadaallada hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo bahda caafimaadka gudaha.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda, wakiillo ka socday maamul-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ayaa ka qeyb galay shirka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in shirka uu gacan ka geysan doono hagaajinta hannaanka qorsheynta iyo fulinta howlaha caafimaad ee dalka, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee caafimaadka qaranka.




