Khilaafka DFS iyo Jubbaland oo cirka isku sii shareeray, kadib wadahadallo fashilmay

0

Kismaayo – Waxaa markale cirka isku sii shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib wadahadallo dhowaan ka dhacay magaalada Kismaayo oo lagu doonayey in lagu dhameeyo is-marinwaaga labada dhinac.

 

Inkasta oo kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe laga filayey inuu horseedo xal siyaasadeed, haddana xogaha la helayo ayaa muujinaya in kulankaasi uu ku dhammaaday fashil, iyadoo labada dhinac mid walba uu ku adkeystay mowqifkiisii hore.

Maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa inuu diyaarinayo ciidamo cusub oo lagu wiiqayo joogitaanka ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobollada uu maamulkaasi sheegto inay hoostagaan, gaar ahaan kuwa dowladda ku sugan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadata qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub oo gobolka Gedo ka arrimiya, taasoo loo arko in ay tahay dadaal lagu yareynayo saameynta Axmed Madoobe ee gobolkaas.

Masuuliyiin kasoo jeeda gobolka Gedo oo ka tirsan dowladda ayaa durba taageeray qorshahan, arrintaasna waxay sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay u aragto maamulka Jubbaland mid caqabad ku ah fulinta qorshayaal dowladeed oo muhiim ah, halka Jubbaland-na ay ku eedeyneyso dowladda dhexe in ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee maamul goboleedka.

Inkastoo labada dhinac ay shaaciyeen in kulamo kale oo wadahadal ah la qorsheynayo, haddana xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu rogo mid militari haddii aan xal waara laga gaarin.

Arrintan ayaa noqonaysa caqabad hor leh oo ku soo korortay geedi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay weli sugayaan nabad iyo xasillooni siyaasadeed oo rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here