Taliska CXDS oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Sharci Darrada ah ee Dareeska Ciidanka

0

MUQDISHO — Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ka dhan ah isticmaalka sharci darrada ah ee astaamaha, dareeska, iyo agabka kale ee gaarka u ah ciidamada, taasoo si toos ah loola hadlayo dadka rayidka ah iyo ganacsatada ku lug leh arrintan.

 

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa lagu sheegay in shaqsi kasta oo lagu qabto isagoo adeegsanaya dareeska, darajooyinka ama calaamadaha CXDS si aan sharci ahayn, laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerka ciidamada.

“Waxaa si rasmi ah loo mamnuucay in cid aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay isticmaasho dareeska, astaamaha iyo darajooyinka ciidanka, iyadoo tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taliska ayaa si gaar ah uga digay arrimaha hoos ku xusan:

  • Isticmaalka dareeska iyo darajooyinka ciidamada ee dadka aan ciidanka ka tirsaneyn
  • Adeegsiga calaamadaha iyo agabka kale ee gaarka u ah CXDS
  • Ganacsatada garaashyada leh oo lagu amray inay joojiyaan dayactirka, midabaynta ama iibinta agabka gaadiidka CXDS

“Garaashyada gaarka loo leeyahay looma oggola inay dayactir u fidiyaan ama midab cusub u mariyaan gaadiidka ciidamada, sidoo kale waa mamnuuc in la iibiyo qalab ama adeegyo la xiriira gaadiidka Xoogga Dalka,” ayaa lagu xusay.

Taliska CXDS ayaa sidoo kale uga digay ganacsatada inaysan si toos ah ama dadban ugu lug yeelan hawlo wax u dhimaya sumcadda iyo hab-dhiska ciidamada qalabka sida.

Warsaxaafadeedka ayaa kusoo xirmay baaq lagu amrayo bulshada inay:

  • Ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara astaaneedka iyo amniga ciidanka
  • U hoggaansamaan sharciyada ciidamada si loo ilaaliyo kala dambeynta iyo sumcadda qaranka

Digniintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan kiisas la xiriira dadka adeegsanaya dareeska iyo astaamaha ciidamada si khaldan, arrin keentay walaac amni iyo mid sumadeed oo ka dhex aloosan hay’adaha ammaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here