Ra’iisal Wasaaraha hore ee Kenya, Raila Odinga oo ku geeriyoodey dalka India

0

INDIA – Ra’iisal Wasaaraha hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa ku geeriyooday maanta Isbitaal ku yaalla dalka India, isagoo 80 jir ah, sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa oo warbaahinta la hadlay.

 

Odinga oo soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxaysay sanadihii 2008 iyo 2013 ayaa mudooyinkii u dambeeyay soo baxayay warar kala duwan ay ka soo baxayeen xaaladdiisa caafimaad, iyadoo dhawaana loo qaadey dalka India.

Wuxuu hogaaminayay xisbiga mucaaradka ugu wayn Kenya ee Azimio, wuxuuna dhowr jeer u tartamay xilka Madaxweynaha dalkaasi, balse looga adkaan jiray. Wuxuu dhawaan u tartamaya xilka Gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika, waxaana tartanka uga adkaadey wasiirkii arrimaha dibada Jabuuti.

Sarkaal Caafimaad oo katirsan Isbitaalka lagu daweynayay ayaa sheegay in Raila oo ka xanuunsanaa dhankaa wadnaha, islamarkaana uu ku jiray xaalad culus maalmihii dambe.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Raila Odinga, waxaana uu ku dhawaaqay n calanka hoos loo dhigay dalka, islamarkaana la qabanayo maalmo baroor diiq ah. Geerida Raila ayaa kusoo beegantay xili dhawaan dalka Kenya galay doorashada madaxtinimada oo isagana xisbigiisa musharax u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here