Fiqi oo Digniin Adag u Dirtay Mucaaradka: “Banaanbaxyada Muqdisho Lama Ogolaanayo”

0

Muqdisho (AFP) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul uga digay banaanbaxyo ay qorsheynayaan siyaasiyiin mucaarad ah, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin wax mudaharaad ah oo lagu qabto caasimadda Muqdisho.

 

Fiqi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay maalgelin ka helayaan cid aan la magacaabin si ay abaabul ugu sameeyaan mudaharaadyo khatar ku ah ammaanka iyo xasiloonida caasimadda.

“Waxaan ognahay in qaar ka mid ah siyaasiyiintaasi ay lacag yar oo shan dollar ah ugu bixinayaan dad masaakiin ah inay waddooyinka ku mudaharaadaan, taas oo ah arrin siyaasadeed oo aan wax dan ah ugu jirin shacabka,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin in shacabka lagu adeegsado dano siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradka “xagjirro siyaasadeed.”

“Isla odayaasha maanta qaylinaya, waa kuwii shalay laga hor istaagay duulimaadyada kana cararay hoteelada la weeraray. Maanta maxay beddeli karaan?” ayuu Fiqi ku daray. “Boorar ha qaataan, laakiin shacabka ma kaxeyn karaan.”

Fiqi waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horey ula kulmay mucaaradka shan jeer, islamarkaana uu ogolaaday inta badan codsiyadooda, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso in mucaaradku aysan wax qorshe siyaasadeed ah lahayn.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda iyo mucaaradka ay si wadajir ah u shaaciyeen dib-u-dhigidda banaanbaxyo hore loogu balansanaa, kaddib markii weerar culus lagu qaaday xabsiga weyn ee Godka Jilaacow, oo ah xarun si weyn loo ilaaliyo.

Si kastaba, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in mudaharaadyo nabadeed ay ka dhici doonaan Muqdisho maalmaha soo socda, inkasta oo ay jirto cabsi amni oo sii kordhaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here