Ceelgaras, Galgaduud — Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in ay howlgalkaasi ku dileen ugu yaraan shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka ay ku dhaawaceen xubno kale, oo uu ku jiro hogaamiyihii kooxda ee aagga Ceelgaras.
Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka uu weli ka socdo tuulooyin ku dhow deegaanka Ceelgaras, halkaas oo ciidamada Daraawiishta ay baadi-goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhagarqabayaashii Al-Shabaab ay isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, kadib markii lagu qaaday weerar culus oo lama filaan ah.
Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, ilaa laga xaqiijiyo in gobolka laga cirib tiro kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.




