Deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug Oo Noqday Aag Lagu Ugaarsado Gaadiidka

0

JOWHAR – Deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa muddo bil ah waxaa ka socday falal lagu bililiqeysanayo gaadiidka, gaar ahaan kuwa qaada rakaabka, iyadoo xaalad amni darro ay ka jirto gobolka Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

 

Wararka ayaa sheegaya in labo gaari oo nooca Layla Calaawiga ah lagu qabtay deegaan u dhow Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo jawaab u ahayd afarta gaari ee lagu qabsaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Gaadiidka la qabsaday ee Guriceel waxaa ka mid ahaa saddex gaari oo waaweyn iyo hal Layla Calaawi ah.

Ragii watay labada gaari ee lagu qabsaday Shabeellada Dhexe ayaa ka daadigay rakaabka saarnaa, kadibna way baxsadeen, iyada oo ciidamada amniga ay haatan baadi-goob ugu jiraan gaadiidkaas.

Sheekh Yuusuf, oo ka mid ah madaxda Gaafiidleyda, ayaa cod dheer ku dalbaday in si degdeg ah loogu soo fara galo dhacdadan iyo falalka kale ee ku saabsan bililiqeysiga gaadiidka, isagoo sheegay in dhacdadan ay xad gudub ku tahay badbaadada dadka safarka ah.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa si weyn u saameeyay dadka safarka ah ee u kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe, iyagoo ku jira xaalad cabsi iyo hubanti la’aan ku saabsan badbaadadooda.

Ciidamada amniga ayaa lagu wadaa inay dadaal dheeraad ah sameeyaan si loo soo qabto kooxaha ku lugta leh falalkan, loona soo celiyo nabadgelyada waddooyinka muhiimka ah ee gobolladan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here