Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadaha ee Villa Hargeysa.
Kulanka guddiga joogtada ah ayaa diiradda lagu saaray ajendayaasha mudnaanta leh ee lagu horgeyn doono kulamada guud ee Golaha Shacabka toddobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha guddiga joogtada ah ku dhiirrigeliyay in ay dedejiyaan shaqada sharci dejinta ee golaha horyaalla, islamarkaana ay shuruucda u diyaariyaan in loo gudbiyo fadhiyada guud si ay u maraan habraacyada sharci ee dhameystiran.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu mar kale ku celiyay muhiimadda joogitaanka kulamada golaha iyo ilaalinta kooramka rasmiga ah, isagoo xusay in Golaha Shacabka ay horyaallaan shuruuc muhiim ah oo u baahan wadashaqeyn iyo ka soo qaybgal buuxa.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay xildhibaanada maqnaanta aan cudurdaarka lahayn in ay dib ugu soo laabtaan kulamada, si loo dardargeliyo shaqada Baarlamaanka iyo meelmarinta sharciyada dalka u muhiimka ah.
Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahayd Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.









