Wasiir Roobow oo la kulmay Madaxweyne Geelle, kana mahadceliyay taageerada Soomaaliya.

0

Djibouti, — Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti toddobaadkan, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Wasiirka oo uu kulanka ku wehliyay dhiggiisa Djibouti, Mudane Muumiin Xasan Barre, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dadaalka iyo garab istaagga joogtada ah ee uu u muujiyo Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta muhiimka ah ee Madaxweyne Geelle ku lahaa dib u soo kabashada Soomaaliya kadib burburkii dowladdii dhexe ee 1991, gaar ahaan shirkii nabadda ee Carte ee 2000, kaas oo horseeday dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee saddexaad.

Intii uu ku sugnaa Djibouti, Wasiir Roobow ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalkaasi, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan doonto khibradaha ay arkeen, gaar ahaan dhisidda nidaamka Awqaafta, Diiwaanka Sakada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo Nabadda ee Djibouti.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Awqaafta Djibouti soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen intii uu booqashada ku sugnaa dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here