Muqdisho – Xildhibaanada ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan u ruqaansan doono raadinta muddo kororsi xilkiisa.
Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in qorshahan uu Madaxweyne Xasan si weyn uga shaqeynayo, hase yeeshee uu xusay in guusha ay ku hingobi doonto Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore uga diiday dowladda xilka ka horreysay in ay sameyso muddo kororsi, taasoo ka dhigtay arintaan mid soo jiidatay dareenka siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.
Warar dheeraad ah ayaa la filayaa maalmaha soo socda iyadoo arintani ay abuurtay dood siyaasadeed oo xooggan gudaha Baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.




