Mareykanka oo Duqeymo Ka fuliyay Togga Baallade ee Puntland, oo Lagu Beegsaday Dagaalamayaal Daacish Ah

0

Puntland, Soomaaliya – Ciidamada Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay Togga Baallade, halkaas oo lagu sheegay in weli ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ka tirsan Puntland.

 

Ilo-wareedku waxay sheegeen in duqeymaha lagu beegsaday godad si adag loo difaacay oo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalamayaasha, kuwaas oo ku go’doonsanaa togga.

Goobaha la duqeeyay waxaa ka mid ahaa Hays, Baarikallaah, iyo Marraagade, dhammaantoodna waxay ku yaalliin Togga Baallade, halkaas oo ciidamada ammaanka Puntland ay ku hareereeyeen kooxihii bartilmaameedka ahaa.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in aroornimadii Jimcaha ciidamo dhulka ah ay hawlgallo ka bilaabeen goobihii la duqeeyay si loo xaqiijiyo inaysan jirin dagaalamayaal ka baxsaday ama dib isu abaabulaya.

Hawlgalku weli waa socda, iyadoo ciidamada ay sii wadaan sifeynta aagagga lagu tuhunsan yahay inay weli joogaan xubno ka tirsan Daacish.

Illaa hadda lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka ama weerarka dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here