Waajid, Bakool – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Degmada Waajid ka bilaabay kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah oo la xiriira hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka ee hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Wasiir Jaamac ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Golaha Deegaanka Waajid, Odayaasha Dhaqanka, iyo dhalinyarada deegaanka, isagoo dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo doorasho daahfuran, caddaalad ah, isla markaana shacabka awood u siinaysa inay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda siyaasadeed.
Isagoo ka hadlayay kulamadaas, Wasiirka ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dawladnimo ee dalka.
Wasiir Cabdulqaadir Jaamac ayaa ugu baaqay bulshada Koonfur-galbeed Soomaaliya in ay door muuqda ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, si loo dhiso mustaqbal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka ah.




