Xildhibaanka Caananuug oo beeniyay warar ku saabsan wadahadallo sir ah oo Mudo-kororsi la xiriira

0

Muqdisho, Soomaaliya – 26 Oktoobar 2025: Maalmihii la soo dhaafay, waxaa soo baxay warar sheegaya in xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ay wadahadallo hoose kula jiraan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si loo fuliyo mudo kororsi laba sano ah oo Villa Somalia ay ka shaqeyneyso.

 

Si loo xaqiijiyo xogahan, warbaahinta Shabelle ayaa wareysatay Xildhibaan Caananuug, oo ka tirsan garabka mucaaradka.

Xildhibaanka ayaa si cad u ganafay jiritaanka arintaasi, isagoo sheegay inaysan jirin xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta oo ka shaqeynaya qorshaha mudo kororsiga ee Villa Somalia.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in haddii ay jiraan xubno mucaaradka ka tirsan oo wadahadal kula jira Madaxweynaha, ay tani noqon lahayd dhabar jab xoog leh oo ku timaada Madasha Samatabixinta, oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasadaha uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka noocan oo kale ah ayaa abuura xiisad siyaasadeed, iyadoo mucaaradku horey u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan wax ka bedelka muddo-xilka Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here