Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Prof. Saalim Caliyow Ibrow loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyey baaxadda shaqo iyo masuuliyadda weyn ee wasaaraddan muhiimka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dawliga ah iyo kor u qaadista adeegyada bulshada ee la xiriira shaqo abuurka, horumarinta xirfadaha iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay leedahay door muhiim ah oo ku aaddan qorshaha Xukuumadda ee ah horumarinta nolosha shacabka, dhiirrigelinta shaqo-abuurka iyo dhismaha nidaam cadaalad ah oo shaqo. Waxaan ku kalsoonahay in Prof. Saalim Caliyow Ibrow uu xilkaa culus si hufan u gudan doono,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa ah aqoonyahan khibrad dheer u leh maamulka iyo siyaasadda, isagoo horey u soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran ah.
Magacaabistan ayaa timid xilli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku jirto dadaallo lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo qorshaha qaran ee lagu yareynayo shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed.



