Wasiir Cali Xoosh: Kuwa Wax xun sheega ah yaan warkooda la dhagaysan, dalkaan waa nabad

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad Dowladda Imaaraadka ay ku wareejisay gawaari deb-damis ah oo gacan ka gaysan doona gurmadka degdegg ah ee daminta debka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa guddoomay gawaarida dab-damiska ah, kuwaasi oo wax badan ka tari doonta maareynta xaaladda debka ee caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka mahadceliyay wareejinta Gawaarida dab-damiska ah, isagoo tibaaxay in ay qayb ka qaadan doonaan gurmadka degdegga ah ee loo samaynaaayo goobaha uu dabka ka kaco iyo badbaadinta xoolaha iyo arwaaxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here