Muqdisho – Rag hubysan oo laga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday bar-koontarool amni oo dowladda ay ku leedahay degmada Kahda ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo amni.
Weerarka ayaa ka dhacay bar-koontaroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah goobaha amniga ee muhiimka ah ee ilaalinaya caasimadda. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaal culus oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo uu dhexmaray labada dhinac.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalyahannada weerarka soo qaaday ay ku yimaadeen mootooyin, ka hor intaanay si toos ah u weerarin ciidamada ku sugnaa bar-koontaroolka, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, inkasta oo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin.
Bar-koontaroolka la beegsaday waxaa maamulayay cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo si gaar ah ugu tababaran sugidda amniga caasimadda, iyagoo la shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee ilaalinaya baraha koontaroolka ee Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay ciidanka Haramcad ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen isku day ay al-Shabaab ku doonayeen inay ku soo tuuraan madaafiic gudaha magaalada.
“Howlgalka wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde, dhinaca koonfureed ee degmada Kaxda, gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ciidamada Haramcad kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkii habeenimadii Isniinta, hase yeeshee xaaladda goobta ayaa lagu soo warramayaa inay hadda degan tahay.




