Muqdisho, Khamiis, 30 Oktoobar 2025: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026, Heshiis Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ku saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira ammaanka iyo difaaca dalka, iyadoo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Golaha ayaa sidoo kale ka dooday arrimo la xiriira horumarinta hannaanka maaliyadeed ee dowladda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku ammaanay hay’adaha amniga sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada iyo sugidda amniga shacabka, isagoo sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoreynayo dhulka ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.



