Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

0

Muqdisho, 31 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Billad Sharaf Qaran ku gudoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahadceliyay dadaalka, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u fidiyay muddadii uu hoggaanka u hayay dalka Jabuuti.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Billaddan ay astaan u tahay walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliyeed iyo Jabuuti.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u xusuustaan kaalinta taariikhiga ah ee Madaxweyne Geelle ku lahaa Shirweynihii Nabadda ee Carta, oo saldhig u noqday dib u soo celintii dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda iyo shacabka Jabuuti doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, deris wanaagga iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here