Dhuusamareeb – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad careysan oo ka soo jeeda degmada Ceel-Garas ay saqdii dhexe ee xalay gubeen baraago iyo daashash ku yaalla duleedka deegaanka Galo ee gobolka Galgaduud.
Goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in inta badan guryihii iyo goobihii ganacsi ee deegaankaasi ay basbeeleen, taas oo fajac iyo argagax ku reebtay dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay “xalay hurdada ka tooseen iyagoo arkay guryahoodii oo gubanaya,” isla markaana ay waqti dheer ku qaadatay daminta dabkaas. Inkastoo aan la soo sheegin khasaaro naf ah, haddana waxaa jira khasaaro hantiyadeed oo weyn, gaar ahaan goobaha ganacsiga ee halkaasi ku yaallay.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in falkaasi uu la xiriiro dil ka dhacay deegaanka Labi-Caano oo u dhow Galo, halkaas oo nin reer miyi ah oo caan ka ahaa deegaankaas loo dilay shalay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dilkaas ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad kale oo ka soo jeeda magaalada Dhuusamareeb, taas oo dhalisay caro iyo aargudasho ay sameeyeen maleeshiyaad deegaanka Ceel-Garas.
Deegaanka Galo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisado iyo colaad soo noqnoqotay oo u dhaxeysa beelaha wada dega halkaas. Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dhacdadan cusub, lamana oga tallaabooyin rasmi ah oo laga qaadi doono xaaladda amni ee deegaanka.



