GAROOWE – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kulan wacyigelin ah kula yeeshay bulshada gobolka Nugaal, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya booliiska iyo bulshada, xilli ay caasimadda kusoo wajahanyihiin ciidamo Booliis cusub oo dhawaan tababar ku soo dhameystay magaalada Carmo.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha Jaamacadda PSU, ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, la-taliyeyaal Madaxweyne, saraakiisha Booliiska Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimada dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland guul weyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo tilmaamay in guushaasi ay ku timid iskaashiga shacabka Puntland iyo saaxiibada taageera maamulka.
Wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in amniga gudaha uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, isaga oo xusay in ciidamo cusub oo tababar soo dhammeystay loo daabulayo magaalooyin ka tirsan Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag iyo Haylaan, si loo xoojiyo nabadgelyada guud ee degaannadaas.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay dejisay qorshe horumarineed oo lagu tayeynayo booliiska, iyadoo la diyaariyey 500 askari oo cusub oo dhowaan bilaabi doona hawlgal rasmi ah, halka 500 kale ay tababar ku jiraan.
Isbeddelkan cusub ee lagu sameynayo booliiska Puntland ayaa horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay, oo ay ku jiraan kuwa heer jaamacadeed ah, ay maanta qayb ka yihiin ciidamada la tababaray, taas oo lagu sheegay talaabo lagu dhisayo ciidan xirfad leh oo u adeega shacabka.



