GAROWE, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa digniin adag u diray cid kasta oo hub ku dhex wadata deegannada maamulkaas, balse aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyagoo sheegay in laga bilaabo hadda aan laga leexan doonin tallaabo sharci ah oo laga qaado.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Jeneraal Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga, isla markaana ay ciidan u diyaarsan yihiin la tacaalidda kooxaha hubaysan ee ka howlgalaya gudaha deegaannada Puntland.
“Qof kasta oo hor istaaga nidaamka iyo dowladnimada Puntland waa la wajahayaa. Waxaan difaacaynaa dowladnimada aan dhiigga u soo daadinay,” ayuu yiri Taliye Muumin oo la hadlay warbaahinta.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan culaysyo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ay wadaan kooxo hubeysan, balse ciidamo cusub oo dhawaan lagu tababaray magaalada Carmo ay diyaar u yihiin inay amniga sugaan si adag.
Wuxuu intaas ku daray in aan cidna loo bartilmaameedsan doonin sababo siyaasadeed, balse ciddii amniga iyo kala dambeynta khatar ku ah aan loo dulqaadan doonin.
Hadalka taliyaha ayaa imanaya iyadoo Puntland ay weli khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay joojisay mushaharka iyo adeegyada loo fidin jiray ciidamo federaal ah oo ku sugan deegaannadeeda.




