Mahadaay, 1-da Nofeembar 2025 — Ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay fuliyay hawlgal qorsheysan oo lagu dilay hogaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka Jeembilow ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in ciidanka deegaanka ay beegsadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay horjooge Muxudiin Xasan, oo ahaa hogaamiyaha kooxda ee deegaankaas, iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.
Intii uu hawlgalka socday, ciidanka deegaanka ee Xaq u Dirirka ayaa sidoo kale ka soo furtay laba qori oo nooca AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale oo ay wateen maleeshiyaadkii la dilay.
Taliyaha ciidanka deegaanka ee Mahadaay ayaa sheegay in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu dabar-gooyo khawaarijta weli ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee gobolka, isagoo ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa ay ka nadiifiyaan guud ahaan Shabeellada Dhexe.
Wararka qaar ayaa intaas ku daraya in xaaladda deegaanka ay hadda degan tahay, halka ciidamadu ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo xogaha kale ee ku saabsan xubnaha kooxda ee halkaas ku sugan.




