Muqdisho, 1-da Nofeembar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo diirran u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Muungano ee Tansaaniya, Marwo Samia Suluhu Xasan, kadib guusheeda doorashada madaxtinimo ee dhawaan lagu qabtay dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib-u-doorashada Madaxweyne Samia Suluhu ay muujineyso kalsoonida iyo ixtiraamka ay shacabka Tansaaniya u hayaan hoggaankeeda, isagoo xusay in guusheedu ay tahay mid muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka gobolka Bariga Afrika.
“Waxaan u dirayaa Hambalyo diirran Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Muungano ee Tansaaniya, Marwo Samia Suluhu Xasan, guusheeda doorashada madaxtinimo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Guusheedu waxay caddeyneysaa kalsoonida shacabka Tansaaniya ay ku qabaan hoggaankeeda iyo dadaallada ay ku jirto ee horumarinta dalkooda. Soomaaliya waxay rajaynaysaa in ay sii xoojiso xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Tansaaniya, isla markaana la wada shaqayso si loo hormariyo nabadda iyo barwaaqada gobolka.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid ku dhisan iskaashi, wadajir, iyo ixtiraam, isagoo ballan qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay la shaqayso dowladda cusub ee Tansaaniya si loo horumariyo danaha guud ee labada shacab.
Tansaaniya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir dhow oo ku saleysan taariikh, dhaqan, iyo iskaashi dhanka ganacsiga iyo amniga ah, iyadoo labada dowladood ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo midnimada gobolka Geeska iyo Bariga Afrika.




