Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Omar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Awad Al-Shammari.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, dhismaha awoodda ciidan, iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan guulaha joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaarayaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida. Wuxuuna mar kale xaqiijiyay go’aanka Wasaaradda ee ah in la sii adkeeyo ruuxa iskaashi iyo walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here