Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee ku yaalla degmada Hodan, gobolka Banaadir, kadib markii ay bulshada ka muuqatay cabashooyin la xiriira adeegga kaar bixinta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa madaxda hay’adda faray in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga, isagoo carabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin xaaladaha gabdhaha lagu qasbo in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka.
“Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo. Gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay khatar ku tahay mana qurxoona. Jadwalka shaqada waa in la badiyaa si culeysku u yaraado, adeegga bulshada loo fududeeyo waa muhiim,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray maamulka NIRA in la kala leexiyo kaardka doonashada iyo kaarka qaadashada, si qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka uu isdiiwaangelinayo, loona yareeyo ciriiriga iyo waqtiga sugitaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in adeegga kaarka aqoonsiga qaranka loo fududeeyo bulshada, lana hubiyo nabadgelyada iyo raaxada dadka adeegga qaadanaya.




