Muqdisho, Soomaaliya – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa AUSSOM.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda xasilinta ee deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo heerka uu marayo Qorshaha Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka, kaas oo haatan maraya marxalad gabagabo ah.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM, si loo sii adkeeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amni joogto ah.
Danjire Diene ayaa sheegay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso qorshaha xasilinta, ilaalinta shacabka iyo dib u dhiska deegaannada la xoreeyay, taas oo muujinaysa ballanqaadkooda ku aaddan xasilinta Soomaaliya.



