Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Wafdi Ciraaq ka socda Ku Qaabilay Xafiiskiisa

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo u yimid dalka si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga, gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartey in labada dowladood ay sii xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, loona ballaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here