Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadannimo ee dalka, saameynta roobka dayrta ee yaraaday, iyo mashaariicda taageerada ah ee dowladda Jarmalku ka fuliso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira gargaarka bani’aadamnimada iyo ka hortagga musiibooyinka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in hay’addu ay xoogga saarayso horumarinta nidaamyada digniinta hore iyo qorsheynta khataraha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin hore oo wax ku ool ah.

Dhankiisa, Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, tababarrada farsamada, iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Jarmalka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here