Saalax: “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal waara”

0

Belem, Brazil — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris ee la dagaallanka isbeddelka cimilada, kaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha qaranka ee yareynta iyo la qabsiga cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta.

 

Kulanka oo qayb ka ah Shirka Madaxda Caalamka ee COP30, oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku ku adkeeyay in maalgelinta cimiladu aysan ahayn sadaqo, balse ay tahay iskaashi caalami ah oo lagu dhisayo xalal waara iyo isbeddel dhab ah.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay hormuud ka noqotay dadaallada la xiriira isbeddelka cimilada, isaga oo xusay in dowladdu sanadkan gudbisay NDC 3.0, taas oo ah qorshe heer caalami ah oo la jaanqaadaya yoolalka Heshiiska Paris.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay Qorshaha Maalgelinta NDC 2025–2035, kaas oo lagu mideynayo dadaallada maalgashiga dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah, si loo abuuro nidaam dhaqaale iyo deegaan oo waara.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku baaqay in saaxiibbada caalamka iyo hay’adaha maaliyadeed ay si dhab ah uga taageeraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee nugul dadaallada lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, isagoo sheegay in “xalka dhabta ahi uu ku jiro iskaashi iyo maalgashi caddaalad ku dhisan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here