Shirka Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo ka furmay magaalada Jowhar [Sawirro]

0

JOWHAR, 10 Nofeembar 2025 – Shirka Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya, oo diiradda lagu saarayo abaaraha, fatahaadaha, barakaca iyo baahiyaha nololeed ee degdegga ah, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku-duwaha howlaha UN-ka ee Soomaaliya, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiirro ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, duqa magaalada Jowhar, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay madasha, isaga oo tilmaamay in shirka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada gargaarka bani’aadannimo ee ka socda dalka.

“Madashan muhiimka ah waa fursad weyn oo lagu mideynayo dadaallada gargaarka ah iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada samafalka ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro dadka ku jira xaaladaha adag ee ay sababeen abaaraha iyo fatahaadaha, isagoo ku dhiirrigeliyay hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo saaxiibada caalamiga ah inay iska kaashadaan gurmadka bini’aadantinimo.

Shirka Jowhar ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ku mideynayaan qorsheyaasha wax-ka-qabashada dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira dalka, iyadoo lagu wadaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo ka jawaabista degdegga ah ee xaaladaha musiibooyinka.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of newsroom, dais and text that says "N HUMANITARIAN RES NOV PRE PRESIDENTOF ESIDENT OF"May be an image of one or more people, dais and text that says "SoDA MoHADM HIRSHABELLE"May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "Fue WHO FAO IOM"May be an image of one or more people, dais and text that says "MoHADM ola"May be an image of newsroom, dais and text that says "DIAL QGUE TO ACTION: STRENG HUIMANITARIAN RE Supp PA PRESIDENT OF HIRSHABELLE STATE"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎MAHA DDA COUNTRY HUMANI ΠΟΜΑΝΠΙΑΡΙΑΝ TARIAN FORUM (CHF) SOMALIA MAHA ADDA ME MADASHA ARRIMAHA BANI'AADANIMADDA SOOMAALIYA FROM D SOMAL RESPON MAHA ADDA GUE tO ACTION: STRENGTHENING DAND LOCALLY DRIVEN HUMANITARIAN OR RESILIENCE MADASHA BANI'AADA SOOMAALI COUNTRY HUMANITARIAN FORUM(CHF) (CHF) SOMALIA MADASHA ARRIMAHA BANI'AADANIMADDA SOOMAALIYA MADASHA MAHA DDA SOOMAALIY COUNTRY HUMANITARIAN FORUM(CHF) (CHF) SOMALIA F01 ف- ARRIMAHA ANIMADDA YA MAHA ADDA MADASHA BANI'AADAN SOOMAALIY COUNTRY HUMANITARIAN SOMALIA MAHA DDA MADASHA BANI'AADAN SOOMAALIYA COUNTRY HUMANITARIAN FORUM(CHF) SOMALIA FPA MADASHA BANI'AADAN SOOMAALIYA COUNTRY HUMANITARIAN FORUM(CHF) FORUM SOMALIA HA MADASHA BANI'AADAN SOOMAALIYA‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here