Islamabad – Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Adduunka (World Speakers’ Conference) ayaa si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Islamabad, caasimadda dalka Pakistan, iyadoo ay ka qeyb galayaan wafuud heer sare ah oo ka kala socota baarlamaanada dalalka caalamka.
Soomaaliya waxaa shirka ku metelaysa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ay weheliyaan xildhibaano iyo safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.
Shirka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray nabadda, deganaanshaha iyo horumarka, iyadoo la isku weydaarsanayo aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida baarlamaanada caalamku door uga qaadan karaan xoojinta nabadda iyo horumarinta dowladnimada.
Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka jeedisay khudbad ay uga gudbisay ka qeybgalayaasha fariinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay muhiimadda uu shirku u leeyahay dalalka caalamka, gaar ahaan mowduuca sanadkan ee ku saabsan xasilloonida iyo horumarka.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidoo kale iftiimisay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska dalka, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah iyo kor u qaadidda ka qeybgalka bulshada ee geeddi-socodka nabadda iyo horumarka.




