MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa shir miro dhal ah la yeeshay wasiirada dastuurka ee dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo lagu falanqeeyay geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha la gaaray ilaa hadda, kuwaas oo ay kamid yihiin in la dhammaystiray warbixinnadii cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, kuwaas oo loo gudbiyay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halka Baarlamaanku horey u ansixiyay cutubyada 1-aad ilaa 4-aad.
Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ay mudnaan gaar ah siinayso dhammaystirka Dastuurka, isagoo xusay in la dardargelinayo diyaarinta farsamo ee cutubyada harsan — laga bilaabo 10-aad ilaa 15-aad — si loo horgeeyo Baarlamaanka.
“Xukuumadda waxay ka go’an tahay in ay si buuxda u dhammaystirto Dastuurka, si dalka uu u yeesho dastuur rasmi ah oo mideeya hay’adaha dowladeed, una dhisa sal adag oo sharci iyo siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.
Dhanka kale, wasiirada dastuurka ee dowlad-goboleedyada ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan horumarka ay ka sameeyeen latashiyada dastuurka iyo qorshayaasha hortabinta u leh.
Waxay ballanqaadeen in ay si dhow ula shaqayn doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Guddiyada Dastuurka ee heer federaal si loo xaqiijiyo dhammaystirka geeddi-socodka dastuuriga ah ee dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la soo gabagabeeyo hindisaha dhammaystirka Dastuurka inta lagu jiro xilli-hawleedka xukuumadda hadda jirta.







