Sheekh Aadan Madoobe oo Shir uga qeybgalay Kampala, Uganda 

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto urur goboleedka oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here