Sarkaal Milatari oo lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay Wiil 11 jir ah oo Agoon ahaa

0

MUQDISHO – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu eedeeyay inuu xaafadda Haanta Dheer ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil 11 sano jir ah, sida ay sheegeen ehelka marxuumka.

 

Goobjoogayaal iyo qaraabada ilmaha la dilay ayaa Shabelle u xaqiijiyay in sarkaalka, oo gurigiisa ku yaal halka uu falku ka dhacay, uu dhibsaday qaylada carruur yar-yar oo ku ciyaarayay meel u dhow hoygiisa.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka soo baxay guriga isla markaana bastoolad ku toogtay wiilka oo ahaa agoon ku korayey, halka carruurtii kale ay goobta ka carareen.

Marxuumka ayaa naftiisa ku waayay isla goobta, iyadoo ehelka uu murugo xoogan hareeyay.

Sarkaalkii falkan geystay ayaa ka baxsaday deegaanka, waxaana raadinaya ciidamada ammaanka, sida ay ehelladu u sheegeen warbaahinta. Ma aysan jirin illaa iyo hadda faahfaahin ay dowladdu ka bixisay qabashada sarkaalka ama baaritaanka socda.

Ehelada iyo dadka deegaanka ayaa codsaday in cadaaladda la horkeeno qofka dilka geystay, iyagoo ku baaqay in carruurta Soomaaliyeed laga ilaaliyo falalka rabshadaha ah ee maalinlaha u soo noqnoqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here