Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka iyo Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciga Dad-dhigista

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa guddoomiyey kulanka 8-aad ee Kalfadhiga 7-aad.

 

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah.

Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga warbixisay xubnaha guddiga iyo khibradooda, iyada oo codsatay in la ansixiyo.

Intaa kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare oo cod u qaaday xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa 28 Sanatar ku oggolaadeen, hal Mudane ka aamusay, mana jirin cid diidday. Sidaas ayaana xubnaha guddigu ku ansaxeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa Sanatarrada u soo bandhigtay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah, iyadoo Sanatarro dhowr ah ay aragtiyadooda ka dhiibtay sharciga, ayna soo jeediyeen talooyin iyo fikrado muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here