Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalla Liibiya

0

Banghaasi, Liibiya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiga.

 

Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana ku weheliyay Commissioner Cali Maxamed Cilmi. Booqashada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya, kuwaas oo wafdiga si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta xabsiga.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka Xabsiga Ganfuda, halkaas oo ay ku xiran yihiin 70 dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo 8 ka mid ah ay yihiin haween, iyadoo mid ka mid ah haweenkaasi ay la joogto ilmo saddex jir ah.

Madaxa La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah, Jeneraal Saalax Maxamuud, iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada ku yaalla Bariga iyo Koonfurta Liibiya, kuwaas oo 70 ka mid ahi lagu hayo Xabsiga Ganfuda.

Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan la socodka xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogto ah warbixinno ula wadaagi doonaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale gaaray is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta mustaqbalka ee u dhexeeya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Shacabka ee Liibiya, si loo dardargeliyo ilaalinta iyo difaaca xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here